James Swan Ergayga gaar ah ee Qaramada madoobe u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro Magaalada Jowhar ee xarunta Maamul Goboleedka Hir-shabeelle.
Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in James Swan uu maanta ka degi doono Jowhar, waxaana socdaalkiisu la xariiraa safaro uu dhawaanahaan ku tagayay Maamul Goboleedyada dalka.
Socdaalkiisa ayaa ah si uu u raadiyo xal ku aadan is mari waaga ka taagan doorashada, is afgarad dhammaan dhex-mara dhinacyada ay ku quseyso siyaasadda dalka, waxaana arrimaha uu kala hadli doono Hirshabeelle ay yihiin kuwo ku aaddan marxaladda siyaasadeed ee dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafyada taagan.
Dhanka kale Beesha caalamka ayaa waxay horay u shaacisay inay ka go’an tahay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho la isla oggol yahay, taasi oo madaxda maamul Goboleedyada iyo Musharxiinta mucaaradka ah ay ku wada qanacsan yihiin.