Muqdisho:-Kooxdii loo xilsaaray inay baaraan sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya faragelin ku hayso arimaheeda gudaha ayna hubeyso maleeshiyad si ay u qalqal geliyaan amaanka wadankan deriska la ah ayaa sheegaya in aysan jirin wax cadeyn ah oo arintaas xaqiijinaya.
Sheegashooyinkaas ayaa sababay in khilaaf diblumaasiyadeed uu dhexmaro Kenya iyo Soomaaliya, taas oo keentay in dib loogu celiyo Kenya diblomaasiyiintii ka joogtay Soomaaliya.
“Guddigu wuxuu tixgelinayaa cabashooyinka kayimid Dowladda Somalia, oo qaarkood soo jireen ahaa oo aysan u muuqan inay ku filnaan karaan in lagu caddeeyo kala-go’idda diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya. Waa run in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u madax-bannaan tahay go’aannadeedda,”ayaa lagu yiri qayb ka mid ah warbixin ay soo saartay kooxdan.
Waxay intaas ku dareen in khilaafkaasi uu saameeyay lagana dhaxlay cawaaqib xumo ah, in 3,000 oo caruur Soomaaliyeed ah oo dhigta iskuullada Kenya ay waxbarashada ka haraan.
Dhinaca kale dadka ku nool xuduuda ayuu saameeyey khilaafka diplomasiyadeed, sida lagu sheegay qarbixinta guddiga.
Khilaafku waxa uu saameeyey howlgalka ciidamada AMISOM oo Kenya ay qeyb ka tahay iyo qaadkii laga keeni jiray Kenya oo beeralayda dalkaasi Kenya ay dhaqaale badan ka heli jireen.
Kooxdaan waxay ku talisay in dadaallada socda ee diblomaasiyadeed la geeyo heerka ugu sarreeya si loo heshiisiiyo labada dal ee walaalaha ah ee Kenya iyo Soomaaliya.
Shirkii 38-aad ee IGAD ee lagu qabtay Jabuuti 20-kii bishii December ee sanadkii hore, intii uu socday waxaa looga hadlay xiisadda diblomaasiyadeed ee saameysay xiriirka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ka soo baxday in guddi loo saaro.