Wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in jaadka hareeriga ah ee la geeyo Soomaaliya uusan u xirneyn cid gaar ah.
Wuxuu sheegay in laga yaabo in dadka qaar ay si khaldan u qaateen hadal kasoo baxay oo ku saabsanaa jaadka.
“Waxaan doonayaa in aan caddeeyo jaadka hareeriga ah ee Soomaaliya yimaada oo dadka qaar yiraahdeen qolo ayay u xiran tahay ama dad gooni ayay u xiran tahay, in aan jaadkaa hareeriga ah cid gooni ah u xirneyn cid kastana ay soo dejisan karto waxaa looga baahan yahay in qofkii doonaya in uu arrintaa galo in uu sharciga qaato, ruqsadda qaato, canshuurtana bixiyo”
Hadalka Beyle ayaa imaanaya xilli shaley uu ka dhawaajiyay in labo shuruud lagu xiray ganacsatada jaadka.
“Qofka Soomaaliyeed ee doonaya inuu ka ganacsado jaadka, sida ganacsiyada kaleba, waxaa looga baahan yahay inuu sharcigeeda soo maro oo kaliya. Haddaad dooneyso inaad jaadka ka ganacsato ruqsad baad soo qaadaneysaa, wasaaradda ganacsiga ee ku shaqada leh baad u tageysaa, ayagaa nidaamka kuu akhrin doona, waad soo qaadan ruqsadda kaddibna jaad keen.” ayuu yiri Beyle.
“Arrinta kale waa in aadan soo qarinin. Waa inaad tiraahdo jaad baan sitaa, diyaaraddu waa inay dhahdo jaad baan wadaa, cid walbana ogaato inay jaad siddo. Sidaas darteed waa in ay ugu talagasho canshuurtiisa iyo arrimihiisa, kaddibna la canshuuro.”