Sicir-barar baahsan ayaa laga soo sheegayaa dowlad deegaanka Soomalida ee Itoobiya.
Waxaana cirka isku shareeray sarifka doolarka iyadoo badeecadaha daruurigana ay qaaliyoobeen.
Waxaa sidoo kale xaaladda uga sii daray lacagaha bangiga lagala baxo oo la xadiday.
Bashiir Shaafi Cumar oo ah wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Dowlad Deegaanka ayaa BBC u sheegay in sicir bararka saameeyay halkaas ay ugu wacan tahay sare u kac ku yimid qiimaha lagu kala sariifto doolarka.
“Mar kasta oo uu kor u kaco doolarka wuxuu la yimaadaa sicir barar ama in uu keeno kicinta xagga maciishaddii ah”
Wuxuu sidoo kale sheegay in qiimaha lagula iibsado badeecadaha qaar uu sare u kac ku yimid sida sokorta, bariiska iyo saliidda maadama dadka ay si joogto ugu tiirsan yihiin.