Madaxweyne Farmaajo ayaa uga soo horjeestay in Muqdisho lagu qabto shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda si hogaanka Puntland iyo Jubaland aysan fursad ugu helin ay la shiraan musharaxiinta iyo bulshadda caasimadda, sidda illo wareedyo inoo sheegeen.
Intii uu socday iyo kadib shirarkii September ay Muqdisho ku yeesheen madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda, hogaanka dowlad goboleedyadda ayaa bandhigyo siyaasadeed ka sameeyay caasimadda.
Villa Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku fekereysa in aysan sidaas dib dambe u dhicin isla markaana aysan musharaxiinta fursad u helin in ay la kulmaan hogaamiyeyaasha maamulada waddanka.
Farmaajo ayaa kadib cadaadis kaga yimid wakiiladda Beesha Caalamka wuxuu Sabtida maanta ah iclaamiyey in 1-da illaa 3-da Febraayo uu Dhuusamareeb ku qabsoomayo shirka wadatashiga dowladda federaalka iyo maamulada si ay is-af-garad uga garaan khilaafka doorashada.
Warar lagu kalsoon-yahay ayaa u xaqiijiyey GO in Farmaajo uu kalkii hore damacsanaa in Baydhabo ku qabsoomo shirka balse ay ka biyo-diideen saaxiibadda caalamka oo ku talisay in wadahaladda ka dhacaan magaaladda caasimadda u ah waddanka ee Muqdisho.