Ciidamada DFS & kuwa Burundi ee qaybta ka ah AMISOM ayaa howlgal wadajir ah kawada degmada Raaga-Ceelle & deegaannada duleedka ka ah sida Badweytims ay u xaqiijiyeen mas’uuliyiin kala duwan.
Howlgalka ayaa yimid kadib markii 24-kii saac lasoo dhaafay gacan ku heynta Degmada ay isku gacan-dhaaftay Al-Shabaab, Ciidanka Dowladda & AMISOM oo dhinac ah, waxaana welwel xooggan uu lasoo dersay Dadka rayidka ah.
Askarta ayaa howlgalkooda dhowr qayb ah, waxaana kamid ah Miino baaris, Xaafadaha qaar oo ay galeen & Gaadiidka oo ay hubinayaan si ay uga hortagaan haddii Al-Shabaab la damacsan tahay qaraxyo sida ay sheegeen saraakiil katirsan Maamulka Raaga-Ceelle.
Ciidamada Burundi oo saldhigyo ka sameystay Deegaannada ka baxsan Degmada ayaa qaarkood gudaha Raaga-Ceelle xalay ku hoyday, kadib markii shalay lasoo galeen Ciidanka Dowladda Federaalka.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka & kuwa Midowga Afrika ayaa kulan gaar ah ka yeeshay wax ka qabashada cabsida & culeyska kusoo kordhay Degmada Raaga-Ceelle, waxaana ay go’aan sadeen in ay sameeyaan howlgal oo ay uga hortagaan in Degmadaas go’doon gasho.