Warar hoose oo lagu kalsonaan karo aan ka helnay ilo u dhow dhow ra’isulwasaaraha dalka Soomaaliya ayaa shegaayo in oo qorsheynaayo in oo xilka isaga tago kadib markii cadaadis xoogan la kulmay.
Ra’isulwasaare Rooble ayaa mudooyinkii ugu danbeyse cadaadis xoogan kala kulmaayay dhinacyo kala duwan haba ugu badnaadeyne kooxda oo haatan la joogo ee Nabad iyo nolol iyo mucaaradka dowlada.
Rooble ayaa lasheegayaa in haatan cadaadis xoogan kala kulmaayo odayaasha beesha hawiye kuwaasi oo ku cadaadinaayo in oo dhex dhexaad kanoqdo mucaaradka iyo muxaafadka dowlada una dhaxeeyo.
Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa mudooyinkii ugu danbeyse cadaadis xoogan ku haaye ra’isulwasaaraha dalka kaasoo ku saabsan waxyaabo kala duwan haba ugu badnaadeyne arimaha Kenya tan jubbaland oo go’aan aad u culus laga qaadan rabo iyo mucaaradka dowlada.
Odayaasha Hawiye ayaa ra’isulwasaaraha usheegay in oo dhex dhexaad kanoqdo loolanka udhaxeeyo Farmaajo iyo mucaaradka waxaana odayaasha usheegeyn ra’isulwasaaraha in musharixiinta hawiye oga hiilin Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.