Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow Oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya kuwooda ugu codka dheer ayaa isagoo kusugan Magaalada Beled weyne waxa uu ka hadlay Wararka sheegaya in Dawlada Go’aan ka qaadaneyso Maamulka Jubbaland.
Waxa uu soo dhaweeyey sida Ay Dawlada iskugu xilqaameyso meesha in laga tuuro Axmed Islam Madoobe oo aad ugu weeraro siyaasad ahaan Xildhibaan Jeesoow.
Xildhibaanka oo sii hadlayey Ayaa Xukuumada Nairobi ku sheegay mid ka dambeysa mar walbana dedaal ku bixineysa in Madoobe kusii hogaamiyo Shacabka Jubbaland.
Xiriirka Xumaaday Ee Kenya iyo Soomaaliya ayuu soo hadal qaaday isagoo sheegay in Dawlada Soomaaliya ku bogaadinayo go’aanka ay ka qaadatay arinta ku aadan Kenya in runta loo sheegay fara gelinta ay ku hayaan Jubbaland awgeed.
Daahir Jeesoow ayaa ugu dambeyn ku sheegay Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya raadinaya kuwo riyo maalmeed ku jira kuwooda doonaya inay Kenya taageero usiiyaan ololaha Doorashada ay ku jiraan Awgeed.