Warar hoose oo lagu kalsonaan karo ayaa shegaayo in Fahad Yaasiin iyo safiirada dalalka Qatar iyo Turkiga kasimanyihiin in tageero loo muujiyo musharax madaxweyne ee Xasan Cali Kheyre.
Qatar iyo Turkiga ayaa arinkaas usoo jeediyay Fahad Yaasin oo wakiil oga ah olalaha doorashada waxaana lashegayaa in Xasan Cali Kheyre u arkeyn shaqsiga qura ee ku haboon madaxtinimada soo socota.
Xogta ayaa ku darayso in Fahad Yaasin oo kulan saacado qaatay layeeshay safiirka u jooga Muqdisho Qatar kasoo kawada hadleyn arimaha doorashada iyo shaqsiga xiligaan ku garab geli donaan doorashada madaama Qatar kamid tahay dalalka sida weyn u tageero dowlada Soomaaliya.
Xogta ayaa raacineyso in Fahad oo aqbalay soo jeedinta safiirka Qatar ee Soomaaliya waxaana lagu wadaa in mudooyinka soo socda oo bilaabo olale tageero loogu raadinaayo Xasan Cali Kheyre oo kamid ah shaqsiyaadka sida weyn loo saadaalinaayo in xilkaas ku guuleysan karo.
Isku soo wada duub Fahad iyo Kheyre ayaa ah labo shaqsi oo si weyn saxiibo u ah kahor dowlada Farmaajo waxaana kasoo wada shaqeyeen arimo doorasho kala ah tii Xasan Cali Kheyre iyo tan Farmaajo.