Qaar kamid ah xildhibaanada ka soo jeeda beesha Mudullood islamarkaana ku jira labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmaha soo socdo ku wajahan magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in wafdigaan ay la soo kulmi doonaan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, waxayna kala hadli doonan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Xubnahaan ayaa ka socdo musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna Madaxweyne Guudlaawe cadaadis ku saari doonaan inuu beddalo xubnaha guddiga doorashada ee heer Dowlad Gobaleed.
Mudullood ayaa ka mid ah dhinacyo badan oo aad u diidan guddiyada doorashada Soomaaliya iyo sida ay hada doorashada u maamuleyso Villa Somalia.
Madaxweyne Cali Guudlaawe oo markii hore wajahayay culeysyo kaga yimid beesha Xawaadle ayaa u muuqdo in uu soo food-saaray culeys kale oo ah beesha Mudullood.
Safarkan ayaa imanaya ayada oo dayaasha dhaqanka Mudullood iyo siyaasiinta beeshaas ay dhowaan usoo jeediyeen Guudlaawe inuu kala diro guddigii uu magacaabay madaxweynihii ka horeeyay ee Maxamed Cabdi Waare, guddigaas oo ah heer dowlad federaal.
Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Badweyn Online ayaa sheegaya in siyaasiinta Mudullood ay Madaxweyne Cali Guudlaawe ugu digeen in haddii aanu sidaas sameyn ay culeys saari doonaa si la mid ah beesha Xawaadle.