Siyaasiyiin ka ag dhaw Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa waxay dusiyeen xog hoose oo sheegeysa inay dareemayaan dabin uu La rabo Villa Soomaalia.
Hore Saaxiibtinimo ma aysan laheyn Siyaasada balse dano gaar ah ayey xeerisaa,waana mida mar kasta gadaal ka toogasho u dhacdo.
Warar ayaa sheegaya in Qoor qoor oo xiriir dhaw la leh Dawlada Imaaraat-ka Carabta uu lacag ku qaadanayo sidii uu heshiiska kaga bixi lahaa Doorashada 2020/2021-ka Villa Soomaaliya.
Wakhtiga iyo Waayaha kala duwan,balse Dhacdooyinka ayaa isku Ekaan kara,2017 Bishii Febraayo 7-deedii,Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Kulan kula qaatay Hoteel SYL Xildhibaanada Baarlamaanka oo Lacag u ballan qaaday balse ay haye inta dhaheen Doonta Siyaasadeed la gediyeen Maalintii Doorashada oo 8 Febraayo aheyd.
Waxaas oo dhan waa cashar balse Siyaasiyiinta Soomaalida aragti dheer ma yeeshaan kamana fekiraan dadka ay aaminayaan.
Qoor qoor ayaa macquul ah inuu kaga baxo Ballanka madaxtooyada Soomaaliya hadii aan wax isbadel kale dhicin,Sidaas oo kale Cali Guudlaawe ayaa isna laga yaabaa in Shariif iyo Xasan Sheekh taladooda qaato oo Villa Soomaaliya dhabar jebin doorashada ku sameeyo.