Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan uga socda Xarunta Villa Hargeysa, kulankaas oo oo ajendihiisu uu yahay qabyo qoraalka dib u eegista Dastuurka.
Kulanka oo uu shirguddoominayo Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddiga Dastuurka ee BFS iyo Guddiga Madaxbanaan Ee Dastuurka.
Waxaana kulanka diirada lagu saaraya xeerka Dib Loogu dhigayo Dastuurka Barlamaanka 11-aad si loo horgeeyo golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.