XOG: Mucaaradka DF oo loo diiday in ay adeegsadaan wadada hormarta Villa Somalia

54

Xubnaha Mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga mamnuucay iney adeegsadaan Wadada ku teedsan Madaxtooyada Soomaaliya ee isku xirta KM0 ilaa iyo KM4 ee magaalada Muqdisho.

Illo ku dhow laamaha amniga Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia) ayaa inoo xaqiijiyay in amarkan uu jiro kana soo baxay Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Xubno ka tirsan Mucaaradka gaar ahaan kuwooda ugu miisaanka culus oo laga celiyay wadada hormarta Madaxtooyada ayaa hadda adeegsanaya wado kale oo ku dhow taas oo geyneysa Liido ilaa iyo deegaanada kale ee ku teedsan.

Xubnahan ayaa hadda deegaansanaya agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho halkaas oo si weyn loo ilaaliyo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa looga digay in ay dalka ku celiyaan 1991kii, xilli dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayo magaalada Muqdisho.