Post View....

Qaar ka mid ah ciyaartoyda K/Galbeed oo caawa lagu dhaawacay Muqdisho (Sawirro)

0
77

Ciyaartoy ka tirsaneyd kooxda Koonfur Galbeed uga qeyb gashay tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada ayaa caawa lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciyaartoydan oo ka soo baxayey garoonka Eng. Yariisow roobka looga dhigay dhagxaan xili ay la socdeen buskii ka soo qaaday garoonka kuna sii jeedeen gobta la dejiyey.

Taageerayaal ka tirsan kuwa gobolka Banaadir oo ka soo qulqulayey garoonka Eng. Yariisow ayaa la sheegay iney geysteen falkaas oo ka baxsan Isboortiga iyo dhaqanka  taageerayaasha.

Ciyaartoyda dhaawacantay oo ay ku yaallaan daqaro iyo dhaawacyo kale ayaa la dhigay Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) ee magaalada Muqdisho halkaasoo  xaaladooda lagula tacaalayo.

Guddoomiye Ku-xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Benaadir Cali Yare Cali ayaa si kulul u cambaareeyey falkan lagula kacay ciyaartoyda Koonfur galbeed.

Waxaan cambaareeynayaa falkii ay dhallinyaro fowdo ah ku sameeyeen xulka walaalaheen Koonfur Galbeed markii ciyaarta laga soo baxay,Dadka Gobolka Banaadir waxaan ka codsanayaa inaan Goobaha Caafimaadka ku booqano walaalaheen si aan u tusno wanaaga agteena u yaalla iyo in aanay na matalin dhallinyarada fowdada sameysay, Ficilkaan waxaan u arkaa inuu yahay mid siyaasadeysan oo wax loogu dhibayo horumarka Caasimadda Muqdisho” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Xulka Koonfur galbeed ayaa ka haray ciyaaraha dowlad goboleedyada ka dib markii galabta kooxda Gobolka banaadir ay ugu awood sheegatay 3-1 Ciyaar semi final aheyd oo ka dhacday garoonka Eng. Yariisow.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA CIYAARTOYDA LA DHAAWACAY

About Author