Xog laga helay Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ku doonayo Qabashada Doorasho lagu muransan yahay

43

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku adkeystay in hore loogu socdo oo la qabto Doorashada dadban ee lagu muransan yahay.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu culeys ku saaray Guddiga ay dowladda dhistay ee Doorashada inay dedejiyaan Doorashada, siiba tan Aqalka Sare oo Madaxtooyada qorsheysay inay ka dhacdo magaalada Muqdisho iyo ugu yaraan 2 maamul goboleed ka hor 15-ka Janaayo 2021.

Shalay waxaa xarunta Gaadiidka Booliska, degmada C/casiis kormeer ku sameeyay xubno ka mida Guddiga Doorashada ee lagu muransan yahay, halkaas oo loo diyaarinayo in lagu qabto doorashada senatoorada iyo xildhibaannada kasoo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland) iyo kuwa Banaadiriga.

Madaxweyne Farmaajo oo culeys kasoo wajahaya beesha caalamka, laba maamul Goboleed iyo Musharixiinta xilka kula tartamaya ayaa ku riixaya maamul Goboleedyada taageersan ee K/Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug inay qabtaan doorashada senatoorada Aqalka Sare horaanta Janaayo 2021.

Beesha caalamka ayaa dowladda ugu baaqay markii saddexaad inay xal u hesho muranka ka tagaan Doorashada, isla markaana ay kulan la furto maamul Goboleedyada iyo Musharixiinta si loo helo doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Xubnaha ku dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa laga soo xigtay inuu ogol yahay wax ka bedelka xubno kooban oo ka mida guddiyada heer federaal ee doorashada, laakiin aysna jiri doonin kala diris Guddiyada Doorashada ee lagu muransan yahay.