Post View....

Shirka hormarinta Ganacsiga iyo hal-abuurka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

0
63

Shirka hormarinta ganacsiga iyo hal-abuurka somaliya oo ah shir sanadle ah ayaa markii 5aad manta lagu qabtay magaaladda Mogadisho. Shirkan oo afartii sano ee lasoo dhaafay si xiriir ah ay u qaban jirtay Jaamacadda SIMAD ayaa sanadkan waxa ay si wadajir ah u wada qabteen Jaamacadda Jamhuriya.
 
Shirkan waxa uu ujeedkiisa yahay in lagu soo bandhigo cilmibaaris ay aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo ardayda labada Jaamacadood ay ka sameeyeen fursadaha iyo caqabadaha ganacsiyada waaweyn iyo kuwa yar-yarka ee Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabdahaas.
 
Ustad Cabdisalaan Yusuf Cabdi oo ah Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada Shirka ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey martidii kala duwaneyd ee kasoo qeybgashay shirka.
 
Sidoo kale waxaa shirka kalimd ka jeediyey Guddoomiye Ku-xigeenka Dalada Jaamacaddah Somaliya (SomaliREN) ahna Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. Mohamud Mohamed Bidey asagoo aad u bogaadiyey iskaashiga labada Jaamacadood ee xaga cilimi barista ee kala duwan.
 
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa si rasmi ah u furay shirka, waxa uuna u mahadceliyey dadaaladada joogtada ah ay labada Jaamacadood ugu jiraan sare u qaadida cilmibaarista iyo abuuridda dhaqan ku dhisan hal-abuur bulsho. Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay in ka badan 25 cilmi baaris oo kala duwan taas oo ay soo bandhigeen aqoonyahano kala duwan oo labada Jaamacadood iyo aqoonyahano kale.
 
Inta uu socday shirka, waxaa lasoo bandhigay dood aad u xiisa badan oo looga hadlaayey halabuurada leh mudnaanta koowaad ee horumarinta Soomaaliya iyo iswaafajinta fursadaha ganacsi iyo qorshaha qaranka ee horumarinta ganacsiga (NDP9).
 
Ugu dambeyn, waxaa abaalmarino iyo shahaadooyin la guddoonsiiyey aqoonyahanadii iyo ardaydii soo jeediyey cilmibaarista. Waxaana shirka soo gabagabeeyey madaxdda labada Jaamacadood ee ku midoobay agaasinka shirka.