Xildhibaanada Golaha shacabka oo cod buuxa ku ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021.

48

Muqdisho:- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2021.

Kulanka ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxaana  ansixinta Miisaaniyadda Dowladda 2021 u codeysay 145-mudane mana jirin xildhibaan ka aamusay iyo wax diiday.

Dhanka kale Mudanayaasha ayaa shalay akhrinta labaad marsiiyay miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka.