Post View....

Wasiir Beyle “Waxaa naga go’an inaan xoojino dib-u-habeynta Maaliyadda..”+Sawirro

0
86

Muqdisho:- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyay Baarlamaanka Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya meel marinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka.

Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee u soo dhabar adeegay shaqada iyo isbedelka Maaliyadeed ee Dowladda ay ku talaabsatay.

“ Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an iney xoojiso oo sii laba jibaarto dib-u-habeynta Maaliyadda,” ayuu ku yiri Wasiir Beyle qoraal uu soo dhigay Bartiisa gaarka ah ee Facebooka.

145-mudane ayaa u codeysay ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2021, mana jirin Xildhibaan ka aamusay ama diiday.

About Author