Xooggagii Ahlusuna Waljamaaca ayaa la sheegayaa in mar kale ay doonayaan in Awoodii ay lahaayeen dib ugu soo laabatay.
Dalabka Hubka ay soo gudbisadeen ayey rabaan in mar kale Awoodii Maamul iyo midi Meliteri ay dib uhantiyaan.
Sheekh Maxamed Shaakir,Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo Sheekh C/risaaq Ashcari ayaa ku tashaday in Quwadii Ahlusuna dib loo soo nooleeyo.
Hubka Ahlusuna ayaa loo gacan geliyey General Mascuud Maxamed Warsame oo hore iyaga uga tirsanaa balse hadda ah Hogaamiye Guuto katirsan Meliteriga Soomaaliya Ee ka howlgala Gobollada Dhexe.
Dagaalkii ka dhacay bilowgii Sanadkaan Dhuuso mareeb ayey awoodii Ahlusuna waayeen iyagoo laga gacan bixiyey Deegaanada Guriceel,Matabaan iyo Xarunta Gal gaduud Ee Dhuuso mareeb ay sanado badan ka ariminayeen.
Galmudug ayaa waxay isku ballaarisey deegaanadaasi,maamulkooda ayaana hadda ka jira,lamana oga sida ay ku suurta gali karto qorshaha Ahlusuna ay Dalbadeen Hubkooda in loo soo gacan geliyo.
Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud ayaa Dibad joog ka ah Soomaaliya naftoodana uga baqay in La khaarajiyo halka Sheekh Ashcari uu kusugan yahay Dalka.