Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in maanta inta badan ay xiran yihiin Goobaha ganacsiga Magaaladaas.
Arrintaan ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeysay, kadib markii uu kor u sii kacay sarifka doolarka sidoo kale la xadiday lacagta danabaysan ee shirkadaha Isgaarsiinta.
Goobaha Ganaciga ee Magaalada Garoowe ee maanta xiran ayaa waxaa ka mid ah Suuqyada khudaarta iyo hilibka ee Inji, bacadlayaasha iyo inta badan goobaha kale ee ganacsiga Magaalada.
Qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Garoowe ayaa waxay banaanbax ka dhigeen wadooyinka qaar ee Magaalada, iyaga oo ka cabanaya maciishada oo sii qaaliyoobaysa, sarifka oo aan fadhin iyo lacagta danabaysan oo la xadiday.
Banaanbaxayaasha qaarkood oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxay ku dhaliileen Xukuumadda Puntland inay ka gaabisay wax ka qabashada cabashada dadka danta yar, isla markaana tallaabo ay ka qaado dadka sariflayaasha ah.
Dhanka kale wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamo fara badan oo ka tirsan Booliska Puntland la dhoobay wadooyinka qaar ee Magaalada, iyada oo lag cabsi qabo in banaanbaxyada ay isku bedelaan kuwo rabshado wata.