Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Kenya oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay wuxuu ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degaanka Hosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dadka degaanka Hosingow ayaa waxay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay maadaama xilli habeen ah uu dhacay dagaalka.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamada Kenya intii uu dagaalka socday ay rideen tiro hoobiyeyaal ah, kuwaas oo ku dhacay duleedka degaanka Hosingow ee Gobolka Jubbada Hoose..
Dhanka kale saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose kama hadlin dagaalka ka dhacay degaanka Hosingow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana lagu soo waramayaa in saakay ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan deleedka degaanka Hosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.