Filasoofkii Caanka ahaa ee Giriiga. Filasuuf: Plato waxa uu ku dhashay Magaalada Athens ee Dalka Giriiga Sannadkii 428 Dhalashadii “Nabi Ciise SC” ka hor. ( F.S:1aad).
Wakhtigaa Dalka Giriiga waxaa ka jiray Xukun Boqortooyo iyo Diin ey Sameeysteen Boqoradu.
Plato, Xikmadihii Falsafadda ee uu Dadkiisa waani jiray oo aad u badnaa waxaa ka mid ahaa:
1. Hala saaxiibin Dadka xumaha wado, waxa ay kuugu manno-sheega doonaan in aad shartooda ka nabad gashay.
2. Akhlaaqda heerka ugu sarreyso, waa in uu Qofku ka xishoodo naftiisa.
3. Jaahilnimadu waa Saldhiga xumaha oo dhan.”
a) Jaahilnimo lala mataaneeyay Diin waa Argagax.
b) Jaahilmino lala mataaneeyay Xuriyad waa foowdo.
c) Jaahilmino lala mataaneeyay Xukun waa kalitalisnimo.
d) Jahilnimo lala mataaneeyay Hanti waa Tuuga nimo iyo Musuq.
e) Jaahilmino lala mataaneeyay Faqri waa Dambi.
4. Qofkii kugu ammaano wanaag aadan lehayn, isaga oo ka raalliya, waxa uu kugu caayi doonaa xumaan aadan lehayn, isaga oo kaa careeysan.
5. Aqoonta aad naftaada u leedahay uga kalsoonow, amaanta Dadka kale ey kugu ammaanayaan.
6. Waa ay fududahay in aan u cudurdaarno ilma yar oo Mugdiga ka cabasanayo, Lakin Musiibada dhabta ah ee Ummaddu waa marka Dadka waayeeyni ey ka cabsadaan iftiinka.
7. Haddii aad ku daasho Wanaag aad sameysay, Daalku waa dhamaanayaa, wanaaguna waa haraa. Haddiise aad ku raaxaysato Dambi aad Galeeyso, Raaxadu waa dhamaanee Dambiga waa harayaa.
FG: Kalmadda philosophy, oo asalkeedu ahaa Greek macnaheedu waa “Philo” oo ah Xikmad iyo kalmada “Sophy” jecaaln. Xikmad jaceeyl. iga raali ahaaw haddii aadan ku fiicneeyn fahamka Falsafadahii 2400 Sanno ka hor ahaa.
Maxaad ka fahamtay?
wixii aan ka khalday iga sax wixii ka dhimanna ku dar.
Qore:Yahya Amir