Kadib markii Hanti dhowraha Qaran Maxamed Cali Afgooye uu ku baaqay dib usoo celinta sabtida Dawladeed Mas’uuliyiin ku maqan tahay ayaa baaqaas durba laga soo jawaabay.
Murashaxiintii Madaxweynaha Galmudug ayuu isku soo taagay sanadkaan Cabdullaahi Faarax Wehliye isagoo gaari uu hayey dib uceliyey.
“Wasiirudowlihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xildhibaan Abdullahi Farah Weheliye oo kamid ahaa dadkii shalay hantidhowrka uu sheegay in ay haystaan gaadiid dowladu lee dahay ayaa si rasmi ah ugu celiyay gaagdiidkii uu hayay Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya sida ku cad warqada hoose”.