Sannadkii 1980-kii, Sadaam Xuseen, ninkii reer Ciraaq ee awoodda badnaa, ayaa isku dayay inuu dalkiisa galiyo sameynta fillimada caalamiga ah.
Madaxweynihii hore ee Ciraaq ayaa malaayiin doolar ku bixiyay filim cinwaankiisu ahaa “iskudhaca wilaayaatka”, kaas oo gebi ahaantiisaba lagu duubay gudaha waddanka Ciraaq. Dadkii jillinkiisa hormuudka ka ahaa waxaa ka mid ah jilaaga reer Britain ee Oliver Reed.
Hasayeeshee muddo kooban ka dib, markii la bilaabay duubista filimka waxaa bilowday dagaalkii Ciraaq iyo Iiraan. Ladhiif Jorfaani oo haysta dhalashada Britain, kuna dhashay waddanka Ciraaq oo ahaa soo saarihii filimka, wuxuu xasuustaa wixii markaas ka dib dhacay.
Bollywood ku yaal webiga Dajlah
Jorfaani wuxuu BBC-da u sheegay: “Sadaam Xuseen waxa uu aad u daneynayay in Ciraaq ay noqoto xarun dhexe oo filimaanta lagu sameeyo. Saaxiibkeen Baqdaad ku sugnaa ayaa Sadaam u sheegay in lacagtu ay tahay dhabbaha arrintaas lagu gaari karo. Jawaabta madaxweynaha hore waxa ay aheyd ‘intaad rabtid isticmaal waxay rabtaba ha noqotee’, marka waxaa laga yaabaa in Sadaam uu rumaysnaa in Baqdaad ay maalin uun u suurageli doonto in ay noqoto Bollywood ku yaal webiga Dajlah.”
Wuxuu intaas ku daray: “Filimkii Dagaalka Wilaayaatka, waxa uu ahaa filimkii ugu horreeyay ee ku kacaya lacag badan oo ay xigi lahaayeen aflaam kale oo waawayn oo lagu waday in lagu jilo gudaha waddanka Ciraaq.”
Jorfaani wuxuu sidoo kale yiri: “Oliver Reed oo ahaa nin British ah wuxuu filimka ku jilayay qofka ugu sarreeya ee British ah, halka jilaayaasha kale ee reer Britain ay jilayeen dad iska caadi oo reer Britain ah, Ciraaqiyiinta-na waxa ay matalayeen dadkooda Ciraaq.”
Ladhiif Jorfaani ayaa sheegay inuu bilaabay in aflaamta uu ku duubo Ciraaq horraantii 1980-kii, si wanaagsanna loo dareemay sameynta filimkaaas, markii uu billaabanayay dagaalkii Ciraaq iyo Iiraan.
Waxa uu intaasi ku daray in xaaskiisa ay aad uga walaacsaneyd waxa dhici kara, iyadoo dagaalka kala socotay shaashaddii TV-ga ee ugu xirnayd gurigeeda London, waxaana ay tiri: “Seygeygow waxaan doonayaa in aad dib u soo laabatid.”
Jorfaani ayaa intaas ku daray: “Marka waxaynu joojinay duubistii oo garoonka diyaaradaha ee Baqdaad suuragal kama ahayn in wax lagu jilo, maadaama ay halkaas sawaariikh ku soo dhacayeen sidaas daraadeed kooxdii ayaan u dirnay caasimadda Urdun si ay halkaas uga sii joogaan, safarkuna waxa uu qaadanayay masaafo dheer, waxaana la sii marayay dhulka saxaraha ah.”
Wuxuu tilmaamay in muddo todobaadyo ah oo duubista la hakiyay ka dib, in dib loo billaabay duubista filimka, balse “howsheennii way socon wayday, sababtoo ah waxaa loo yeeray oo dagaalka galay dhammaan kooxdii Ciraaq ee filimka wax ka jilaysay.”
Jorfaani ayaa sheegay in dhibaatadii soo wajahday jilliinka filimka aysan ahayn dagaalka oo kaliya laakiin Oliver Reed uu ku waalnaa khamriga culus, taas oo dhibaato badan galisay hab dhaqanka Oliver.
“Ciraaqiyiinta waxay doonayeen in meeshaba laga saaro, sidaas daraadeed dedaal badan ayaan ku bixiyay in cadaadis aan saaray dhammaan dhinacyada si ay howshu u socoto,” ayuu yiri.
Ugu dambaynt duubistii filimka waa la soo afjaray waxaana lagu soo bandhigay shaneemooyin kala duwan.
Jorfaani ayaa sheegay in nasiib darro ay ahayd in ay istaageen mashaariicda aflaamta lagu soo saarayay ka dib duullaankii Kuwayt 1990.
Sidaas daraadeed filimkaas lama gaarsiin dalalka reer Galbeedka, Ladhiif-na filim kale uma uusan sameyn Sadaam Xuseen.
Sheekada Filimka
Sannadkii 2016-kii waxaa filimkaas lagu baahiyay qeybta filimada ee TV-ga Channel 4 ee reer Britain: “Sadaam wuxuu u socday Hollywood-ka.”
Arrintaas waxaa ka sheekeeyay kooxda filimka. Wargeyska Telegraph ee Britain waxa uu qoray in Sadaam Xuseen uu soo saarka filimkaas ku sharfay naftiisa.
Qadiyadda filimka ‘dagaalka wilaayaatka’ waa “mas’aladda ugu wayn” sida mararka qaar la sheego, waana sheeko layaab leh min bilow illaa dhammaad.