MUQDISHO:- Xafiiska hanti dhawraha guud ee qaranka ayaa soo saaray warbixinta baarista maaliyadeed iyo u hoggaansanka sharciga, taas oo waafaqsan Dastuurka dalka, si loo ilaaliyo hufnaanta maamul maaliyadeed ee dawladda.
Hantidhowraha guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye Ayaa sheegay in inkasta oo cudurka Karoona Feyris uu dunida oo dhan saameeyay balse ay sanadkan uu suuragashay inay soo saaraan warbixintii Sanadlaha aheyd ee Baarista Hay’adaha Dowladda.
“Marka laga hadlaayo dowlad wanaagga, gudashada waajibaadka iyo islaxisaabtanka waa laba arin oo aan kala harin, hadaba xafiiska hantidhowrka guud ee qaranka oo u gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ayaa soo saaray warbixintii 2019-ka, iyada oo ay jiray caabuqii Karoona Feyris oo saameyn ku yeeshay dunida oo dhan ayaa waxaa inoo suura gashay inaan baarno ilaa iyo 35 Hay’adood oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya inaga oo helnay khaladaad maaliyadeed oo gaaray 246 khalad” ayuu yiri Maxamed Cali Afgooye Hantihowraha Guud ee Qaranka.
Warbixinta Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay In uu xafiiska saameeyay baaris ku aaddan u hoggaansanaanta Sharciga iyo sidoo kale baarista Warbixinnada Maaliyeed ee Hay’adaha Dowladda haddaba lifaaqa hoose kala dag warbixinta Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ee 2019-ka.