1-Nin ayaa Dhakhtar kilyaha daaweeyo u tagay, waxa uuna ku yiri: Hal Bil ayaan dareemayay Kilya xanuun. Dhakhtarkii ayaa baaritaan kadib ku yiri: Xanuun kuma hayo kilyahaaguna waa Caafimaad qabaan.
Ninkii ayaa yiri: waan ogahay in eynan Kilyuhu i xanuuneeyn laakin hadda Lacag ayaan u baahanahay ee ii tilmaan Suuqa Kilyaha lagu kala iibsado. ( F.S: 1 & 2aad).
( Somalida Cudur Siyaasadeed miyeey qabtaa, mise Suuqa lagu gato Siyaasadda ayey raadinee oo Dad iyo Dal ayaa u beec ah).
2- Wiil ayaa yiri: Hal Cudur ayaan isku arkay. Gabar aan FB ku bartay ayaan jeclahay. Wax kasta oo ey itiraa si fudud ayaan u aqbalaa, haddii ey qososho waan qoslaa, haddii ey ila kaftanto waan la kaftamaa, haddii ey i wacdo waan u tagaa. Wax kasta si fudud ayaan uga aqbalaa. Laakin si Fudud Lacag EVC ugma tuuri karo). (F.S: 3aad).
( Siyaasi ayaa yiri: Toleeyga waan jecelahay, Haddii ey Xaflad qabaan waan tagaa, Haddii ey i soo dhaweeynayaan waan ku farxaa, Aroosyadooda waan tagaa, Laakin haddii Abaar iyo Fatahaad ey sheegtaan u tagidoodu waa i dhibee).
3- Haddii aad tahay Waalid dhalay hal Cunug oo kaliya waxaad tahay waalid naxariis badan. haddii aad tahay Waalid dhalay Laba Caruura waxaad tahay Garsoore, kala maslaxidda labadaa. Laba ka badan haddii aad dhashay waxaad noqonee Nabad doon.
( Haddii aad Somali xakumeena maxaad tahay? Adiguba noo sheeg)
4- Gabar ayaa 3 mar ku guuleeysay tartanka Quruxda kadib markii ey furtay Timaheedii Dahabiga ahaa, waxa eyna tiri: Waxaan guursanayaa Ninkii Saddax mar ku guuleeysta tartanka Quruxda. Tartan is qurxin ayaa ka dhax bilaawday dhalin yaradii. Lakin mar dambe ayeey Guursatay mid aan loo maleeyneeyn oo aan ku jirin tartanka is qurxinta. Waxaa lagu yiri: Maxaad ku xulatay, waxa ey tiri: Tartanka Quruxda waxaan ku qaaday 3 mar oo aan timaheyga furay, Nikaanina waxa uu ku guuleystay 3 mar oo uu Jeebkiisa furay. ( F.S: 4aad).
( Dhalinyarooy, shqeysta, Bakhiilnimadana dhaafa, saaxiibtaa waxay qurxoon tahay haddii Jeebkaagu qurxoon yahay).
5- Nin ayaa yiri: Somaliya waxaan ku wareeray markaan idaacadda ka maqlay: Ra iisul wasaaraha Dowladda aan Deriska nahay ee Galmudug oo booqasho ugu amaba baxay wadanka Turkiga kadib markii uu Casumaad ka helay dhigiisa Dalka Turkiga oo xiriir qoto dheer ka dhaxeeyo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Punt land ayaa Warqadihii Aqoonsiga ka gudoomay Wakiilka cusub ee IGAD u soo magacaawday Punt land. Wasaarada Gashaandhiga Juba land iyo Wasiirka Gashaandhiga Dowladda Somaliya ayaa heshiis wada gaaray.
Ciidamada Dalka ayaa u gurmaday Dalka K/galbeed si ey uga badbaadiyaan kacdoon Afgambi oo Shacbku ey wadeen. Dowlada Hirshabeele iyo Dowladda Banadir ayaa waxaan ka dhax taagan Muran dhinaca Xuduuda ah. Magaalada Boorame Jamhuuriyadaa Somali land ee Qaaradda Afrika ayaa la mataanoowday Magaala Madaxda Dowlada Galmudug ee Somaliya. Dowladda Somali land ayaa Xiriirkii u jartay Dalka Japan. ( F.S:5aad).
(Ar Dowlada badani-naa, Gurigeeyga Qolalkiisuna mar dhaw xaafado ayey noqonayaan, haddii ey sidaan wax ku sii socdaan, Sidaan Qaran laguma noqdee, Somaliyeey sidaan aan isku dhaamo).
6-Nin Mukhaadraadka isticmaalo ayaa mar kasta Xaaskiisa khiyaani jiray oo Dumar kale la macaamili jiray, saacad dambe ayuuna soo aadi jiray Guriga. Habeen isaga oo marqaansan ayuu is yiri, war amaa Adigana lagu khiyaanayaa bal Guriga soo fiiri wakhti hore.
Markii uu yimid ayuu Albaabka Dalool yar ka fiiriyay. Waxa uu arkay Xaaskii oo xera taraar ku jirto, waa xanaaqay, kadibna waxa uu arkay iyada oo Xudunta laga salaaxayo, waa is celin waayay. Kadibna waxa uu arkay Ninkii oo Xabadka ka xoodinayo, waa is Celin waayay.
kadibna waxa uu arkay Ninkii oo Naasaha ka nuugayo, waa is celin waayay Albaabkii ayuu xoog ku soo galay. Isaga oo qeylinayo, ayuu Ninkii ku yiri: War bis dheh oo isku xishoo, Caruurta Caanaha haka dhameeynine. ( F.S: 6aad).
( Musharixiin Doorasho sugayay ayaa waxay arkeen, Maamul Gobaleeyadii oo la dhistay, Xildhibaanadii Liiskoodii oo la gudbiyay, Gudiyadii oo la magacaabay, markaas ayey is celin waayeen, kadibna ayey yiraahdeen. Maxeey yiraahdeen………? Ad lee ii sheeg).
Qore: Yahya Amir