Vedio: Mahdi Guuleed oo raaligelin ka bixiyay Hadal uu ku taageeray Dib u Doorashada Madaxweyne Farmaajo

66

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa raali gelin ka bixiyey hadal hore uga soo yeeray oo ku saabsan dib u doorashada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Isagoo ka hadlayay Dood ka socota shirka Heritage ee magaalda Garowe ayuu sheegay inuu xaal iyo raaligelin ka bixinayo hadalkii hore uga soo yeeray ee ku saabsanaa inuu Madaxweyne Farmaajo wareegga koowaad ee Doorashada ku guuleysan doono.

“Waxaan rabaa in Hadal aan hore u iri inaan raaligelin iyo xaal ka bixiyo, kaasoo ahaa wareegga koowaad.. arrintii wareegga koowaad xaal baan ka bixinayaa raaligelin baan ka bixinayaa.. Musharixiinta ha baqinina wareegii koowaad, xaal baa laga bixiyey… Garoonku waa noo furan yahay… aan u diyaar garowno Doorasho nabad ah oo aan uga baxno is-qabqabsiga iyo muranka..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku xigeenka mahdi Maxamed Guuleed.

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=ySHl3ai6Yy8?feature=oembed&w=696&h=522]