Wakhtigii lagu balamay waa dhawyahay, loogumana diyaargaroobin sidii la filayay.
Haweeneey Fool ah oo Sagaalkii bilood u dhamaatay oo Sariirtii Umulisada saaran ayaa la leeyahay, Dhalida dib noogu dhiga Laba bilood.
Musharixiinta ayaa ku baraarugay in Haweeneydu ey fool tahay, Umulisadii ayaa sheegtay in Haweeneydu ey aad u tabar yartahay oo eyna toos u dhali karin una baahan tahay Qaliin deg deg ah iyo In la geeyo Isbitaal weyn, weliba Umulisadu waxa ey intaa ku dartay in Cunugu uu mar hore ku dhintay Uurka hooyada, eyna waajib tahay in aan Runta la iska indha tirin.
Musharixiinta iyo Muxaafidka ayeey u sheegtay in aan Laba Bil dib loo dhigi karin ilmo kafka soo galay, oo hore looga hilmaamay Abaay Abaaydii iyo Madaxshubkii Kurtii Xaamilo.
Arrinta Somaliya waxaa habooneeyd in mar hore laga tashado qaabka doorasho, intaan la dhisin Maamulkii Koofur Galbeed iyo Labadii ka dambeeysay, kuwaa oo sabab u noqday dhismaha Gudiyo Doorasho oo aan la isku raacsaneeyn.
Tan kale Dadka waxaa isaga darsan Saddax: Muxaafid, Mucaarad iyo Musharax. waxaa jira Qof Musharax ah oo kursi raadsanayo oo aan Mucaarad iyo Muxaafad midna aheeyn, laguna eedeynayo Mucaarad. Runtii Somaliya maanta kama jiraan Mucaarad iyo Muxaafad, ileeyn maba jiro Dastuur iyo Sharci la dhoowrayo oo lagu dhaqmo ama Xukuumad Somaliyeed oo Dad iyo Dal matasha.
Arrintu waa u Niyeeyso Kooxaha is heeysto in ey yihiin Dowlad iyo kuwo ka soo horjeedo, laakin waxa dhab ah, waxa ka jiro labada dhinac waa Jabhado magacii loo qurxiyay ah oo xukun isku heeysto.
Wakhrigu waa Socdaa, Cunigiina mar hore ayuu Uurka Hooyadii ku dhintay, Shacaboow Saqiir Aakhiro Alla ha nooga dhigo. Bedal khayr leh, Alla ha noogu badelo ee walba aan Hooyada badbaadino.
FG: Shacaboow, Wakhtigu waa Socdaa, kuraasruna waa faaruq. ( F.S: 1aad). Dad kuu maqan oo aad wax ka sugeena uma jeedo, Runta ha iska indha tirin.
Qore: Yahya Amir.