Shirka Iskaashiga Soomaaliya ee maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa ka hadlay madax kala duwan oo ay ka mid ahaayeen safiiro iyo wakiillo metelayay dalal iyo hay’ado caalami ah.
Waxa ugu badan ee diiradda la saaray waxaa ka mid ahaa doorashada iyo amniga. Waxaana aad carabka loogu adkeeyay in khilaafka cusub ee la xiriira doorashada uu sababi karo dib u dhac.
Safiirka UK u fadhiya Muqdisho, Ben Fender, oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa xarunta uu shirka ka dhacay ayaa yiri: “Dal si uu sare ugu soo kaco, una noqdo mid barwaaqa ah oo madaxbannaani ku leh caalamka, waa in uu jiraa heshiis bulsho”.
Wuxuu u muuqday in uu ka hadlayay khilaafaadka soo noqnoqday ee ka jira Soomaaliya, ee qaarkood ay la xiriiraan arrimaha doorashada.
Wuxuu yiri: “Dadka waa in ay aqbalaan in ay ka tanaasulaan waxyar oo ka mid ah waxyaabaha iyaga keliya danta u ah; in ay aqbalaan shuruucda, dastuurka, iyagoo u daneynaya dadka kale oo dhan.”
Wuxuu tilmaamay in arrimahaas uu horey uga akhriyay buug ka hadlayay dhibaatada qalalaasaha. Balse “horey uma fahmin illaa aan ka imaaday Soomaaliya,” ayuu sheegay.
Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira, ayaa dhankiisa sheegay in “Marka hay’adaha qaar aysan jirin ama ay yihiin kuwa daciif, arrinta howsha lagu qaban karo waa wadahadal oo muhiim u ah nabadda.”
Shirkan Iskaashiga ayaa lagu qabanayaa Soomaaliya sannadkii labaad, kuwii ka horreeyayna waxaa lagu soo kala qabtay dalal ay ka mid yihiin Britain iyo Sweden.
Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya, Staffan Tillander, wuxuu yiri: “Hannaanka doorashada hadda waa in laga sii wadahadlaa, si loo helo hannaan cadaalad iyo hufnaan leh, oo ay ku dhacdo doorasho.”
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble, oo shir gudoominayay kullanka ayaa sheegay in xukuummaddiisa ay ka go’an tahay “in si buuxda ay ugu hoggaansanto heshiisyadii la gaaray ee waafaqsan dastuurka iyo hannaanka hadda ee doorashada.”
“Waan soo dhoweynayaa talooyiinka wax dhisaya. Madaxweynaha wuxuu soo saari doonaa casuumaadda madaxda maamul goboleedyada isla marka aan soo dhammeeyo booqashadeyda maamullada.”
“Walaaladey daneynaya mustaqbalka madaxweynimada, iyagana waxaan leeyahay albaabkeyga wuu idiin furan yahay. Cabashada aad qabtiinna diyaar ayaan u ahay in aan xalliyo,” ayuu yiri.
“Laakiin mid xisaabta halagu daro, sharciga lagama wayno, dastuurka lagama wayno, wixii maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ay ku heshiiyeenna waa in la tixgeliyo, waana in la raacaa,” ayu hadalkiisa ku sii xoojiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.
Safiirka Britain ee Soomaaliya, isagoo ka hadlayay heshiis la xiriira arrimaha bulshada wuxuu yiri: “Ra’iisul Wasaare, waxaan aaminsanahay in waxkasta oo la xiriira mustaqbalka Soomaaliya uu isbedelkeeda ku xiran yahay sida adag ee Soomaaliya u aaminsan tahay heshiiska bulshada.”
Wuxuu aad uga hadlay in “dib u dhiska dalka uu ka muhiimsanaado danaha gaarka ah ee qabiil ama gobol iyo in laga tanaasulo arrimahaas iyo in sharciga loo hoggaansamo iyadoo loo daneynayo dadka kale oo dhan.”
“Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxaan daawanayay noocyo kala duwan oo doorasho ah oo ka dhacay maamul goboleedyada. Marba marka ka dambeysana waxaan arkeynay waxyaabo isku mid ah oo soo noqnoqonayay.”
“Waxaan aragnay kuwa xafiiska maamulo oo faragelinaya shuruucda si ay guusha u gaaraa. Waxaan kaloo aragnay kuwa mucaarad ah oo diidaya, carqaladeynaya hannaanka, haddii ay u arkaan in aysan ku guuleysanayn.”
Wuxuu tilmaamay in dib loogu noqdo heshiiskii horey loo gaaray ay ka dhalan karto dib u dhac doorasho oo saameyn yeesha “oo qofna uusan ranbin”.
Wuxuu intaa ku daray: “Loolan siyaasadeedka waa sharci, xitaa waa muhiim, balse loolan aan xushmeyneyn shuruucda, wuxuu si fudud u noqon karaa mid dhibaato leh. Ma ahan mid la qaadan karo in qalalaaso lagu cagajugleeyo, ama la diido qaabka doorasho ama in aad guddigaaga gaarka ah magacaabato, sababtoo ah ma dooneysid xeerarka la dejiyay iyo guddiyada kale.
“Si taa la mid ah, ma ahan macquul in xubnaha guddiga loo xusho dad u muuqda kuwa aan la habooneyn dad badan oo qeyb ku leh hannaankan.”
Wuxuu sheegay in wadahadal degdeg ah uu muhiim yahay “si arrin heshiis lagu yahay loo raadiyo, in la diyaariyo waxyaabo heshiis lagu yahay iyo in la qeexo qaabka loo fulinayo oo ah si qof kasta uu ogol yahay.”
“Sannadkii la soo dhaafay wax badan baan ku guuleysanay. Balse waxaa jiro waxyaabo dib noo celiyay, sababo la xiriira in aysan jirin ujeedo guud oo dalka ka jirta, gaar ahaan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha qaar ee xubnaha ka ah,” ayuu yiri Safiirka UK u fadhiyo Muqdisho.
Britain waa dowladdii bilowday shirka Iskaashiga Soomaaliya, kaas oo loogu talagalay in diiradda lagu saaro horumarka amniga iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee dalka.
Ben Fender oo ka hadlay waxa ay ka filayaan Soomaaliya doorashada ka dib wuxuu yiri: “Qofkii ku guuleystaba doorashada qaran ee soosocota; Ha ahaado madaxweyne Farmaajo ama qof kale; shaqada ugu horreysa ee doorashada ka dib waa in ay noqotaa sidii dib loogu soo celin lahaa midnimada qaran.”
“Waxaa jiro doonto fursad wayn oo lagu dhameystirayo dastuurka, lagu xallinayo su’aalaha la xiriira qaababka amniga, iyo in la qaado tallaabooyiin looga adkaanayo Al-Shabaab. Waa in shaqadaas ay noqoto arrinta ugu horreeya ee aan qaadeyno bilaha ugu horreeya ee doorashada ka dib.”
“ka dib waa in aan xaqiijino in deeq-bixiyeyaasha iyo saaxiibbada (Soomaaliya) ay isu yimaadaan si ay u taageeraan dowladda cusub iyadoo ay jiraan waxyaabo cad oo lagu heshiiyay oo ah kuwa la siinayo mudnaanta Qaran,” ayuu shirka ka sheegay Safiirka Uk u qaabisan Soomaaliya.
Xigasho:BBCSomali