MUQDISHO:- Waxaa saakay magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya kaas oo ay sanadkii mar yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saxiibbadeeda beesha caalamka.
Shirkan oo sanadkan gaar ka mid ah ergada Beesha Caalamka ay uga qeyb galayaan khadka Internetka ayaa ah fursad ay wax ku qiimeeyaan dhammaan dadka sida gaarka ah ula socda horumarka Soomaaliya iyo sidii looga heshiin lahaa hortabinada hawlaha la qaban doono mustaqbalka dhow.
Shirkan oo hal maalin socon doona ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxaana si wadajir ah u shirguddoomin doona Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyada oo hadallo ka jeedin doonaan wakiillada Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ajandaha sanadkan Shirka looga hadlayo ayaa ah sidii loo qaban lahaa doorasho hufan, laga wada qeyb galo wakhtigeedana ku dhacda iyo sidoo kale dhammeystirka dib u eegista dastuurka qabyada ah.
Shirkan ayaa sanad walba lagu qiimeeyaa Guulihii iyo caqabadihii soo wajahay Soomaaliya sanadkii tegay sidoo kalena lagu dejiyaa howlaha hortebinta leh ee la doonayo in sanadka xiga la xaqiijiyo.