WASHINGTON:-Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in qareenkiisa, Rudy Giuliani laga helay cudurka COVID-19.
Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay madaxweynaha ayaa u qornaa sidan “Caafimaad degdeg ah ayaan kuu rajaynayaa Rudy, howshuse waa ay socon doontaa!”
Giuliani oo 76 jir ah ayaa la dhigay isbitaalka Georgetown University medical centre ee Washington DC.
Mudane Giuliani, oo hoggaaminayay kooxda ololaha Trump ee loollanka dhanka sharciga galinaysa natiijooyinkii doorashada 2020, ayaa ah qofkii ugu dambeeyay ee ku jira xayndaabka dhaw ee madaxweynaha ee cudurka laga helay.
Trump iyo kooxdiisa ayaa lagu dhaleeceeyay inaysan u hoggaansamin hab raaca badqabka iyada oo xusid mudantahay in Trump uu cudurku ku dhacay bishii Oktoobar.
Ku dhawaad 14.6 milyan oo qof ayaa waxaa gudaha Mareykanka uu kula dhacay cudurka COVID-19, sida ay sheegtay Jaamacadda John Hopkins, halka 281,234 qofna ay u dhinteen – tiradaas oo ah tan ugu badan dal caalamka ku yaal.
Qareenka ayaa tan iyo doorashadii 3-dii bishii Nofeembar u kala safrayay arrintaas oo qeyb ka aheyd dedaallo aanan miradhalin oo lagu doonayay in meesha loogaga saaro guuldarradii Trump doorashada ka soo gaartay.