ADDIS ABABA:-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya laga doonayo in ay kala dambeyntii iyo sharcigii ay ku soo celiso gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo hadal kooban soo saaray ayaa yiri “Waa lagama maarmaan in sharciga iyo kala dambeynta lagu soo celiyo gobolka Tigray waliba si degdeg ah iyada oo la tixgelinayo xuquuqda aadanaha ee gobolkaas” ayuu yiri mudane Guterres.
Waxa uu intaa ku daray in uu ka walaacsanayahay xaaladda uu haatan ku suganyahay gobolkaas kaddib afar todobaad oo dagaallo culus ay ku dhex mareen ciidamada dowladda iyo Jabhadda TPLF.
Dad tiradoodu ka badantahay 40.000 oo ruux ayaa gobolkaas ka cararay dagaallada awgood, kuwaas oo magangelyo u aaday dalka Suudaan ee la dariska ah.
Gudaha gobolka ayaa la rumaysanyahay in ay ku suganyihiin dad aad u farabadan kuwaa oo u baahan in la gaarsiiyo kaalmo bani aadannimo iyada oo uu xoghayuhu codsaday in gargaarka gobolkaas si shuruud la’aan ah lagu gaarsiiyo.