Wasaaradda amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Hay’adda UNOPS ee Qaramada Midoobay kala wareegtay gaadiid loogu tala galay Hormarinta Booliska.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Nuur Shaafi Maxamed ayaa gaadiidka kala wareegay Wakiillo ka socday Hay’adda.
Waxaa uu sheegay in gaadiidkaan ay kusoo beegmay xilli ay jireen dhibaatooyin kala duwan oo dhanka gaadiidka oo heystay Ciidanka booliska Jubbaland.
Gaadiidkaan aya qaar ka mid ah loo gudbi doona booliska ka howlgalla degmooyinka maamulka Jubbaland.