ADDIS ABABA:-Qaramada Midoobay oo ka hadashay xaaladda qaxootiga Eretrean-ka ah ee ku nool dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay habka loola dhaqmo qaxootigaasi
U qeybsanaha hay’adda Qaxootiga ee UNHCR, Filippo Grandi ayaa sheegay in uu si weyn uga walaacsanyahay warbixinno sheegaya in qaxooti Eretrean ah oo ku nool gobolka Tigray ee dalka Itoobiya lagula kacay dil, afduub qaarkoodna si Khasab ah dib loogu celiyay dalka Eretrea oo ay hora yuga soo carareen.
Grandi ayaa sheegay in haddii arrinkaasu xaqiiqo noqdo uu meel ka dhac weyn ku yahay xeerka caalamiga ah ee qaxootiga.
In qaxootiga Eretrean-ka ah ee ku nool Itoobiya si Khasab ah loogu celiyo dalkoodii ayuu sheegay in gabi ahaanba aanan la aqbali Karin.
Qaramada Midoobay ayuu sheegay in ay danaynayso in ay tagto afar xero qaxooti oo ku yaalla gobolk Tigray si ay wax uga ogaadaan xaaladda qaxootiga ee halkaasi ku nool.
Xukuumadda Itoobiya ayaa Jimcihii sheegtay in qaxootiga Eretrean-ka ah ee maamlmihii ay dagaalladu ka socdeen gobolka Tigray u soo qaxay Addis Ababa ay dib ugu celin doonaan xeryahoodii gobolkaas.
Ku dhawaad 100,000 oo qaxooti Eretrean ah ayaa ku nool gobolka Tigray kuwaas oo ka soo cararay cadaadiska iyo cabbudhinta arxan-darrada ah ee ka jira dalkooda.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ay la soo xariireen qaar ka tirsan qaxootiga Eretean-ka ah ee ku sugan Addis Ababa kuwaa oo sheegay in xukuumaddu ku wargelisay in dib loogu celinayo xeryihii qaxootiga ee gobolka Tigray hase yeeshee ay baqdin weyn ka qabaan in dib loogu celiyo Eretrea.
Cabsida ay qabaan qaxootiga ayaa sii badatay kaddib markii jabhadda TPLF ay dowladda Eretrea ku eedeysay in ay ku lug leedahay dagaalka ka dhanka ah jabhadda.