Qarax ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa kuwa dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo watay gawaarida dagaalka, waxaana lagula eegtay agagaarka dugsi Sare Banaadir oo u dhaxeeya Isgoyska KM4 iyo Isgoyska Tarabuunka.
Laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxaas uu geystay dhimasho iyo dhaawac, balse aan la ogaan tirada rasmiga ah ee ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa halkaas ka dhacay.
Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco halkaan