WASHINGTON:- Qareen Mareykan ayaa loo heystaa dacwad la xiriirta isku day xatooyo lacag malaayiin doolar ah oo ay leedahay dowladda Soomaaliya.
Waaxda Caddaaladda Mareykaka ayaa qareenkan ku soo oogtay 11 dacwadood oo isugu jira wax isdaba marin iyo musuqmaasuq, isagoo damacsanaa inuu si sharci darro ah gacanta ugu dhigo maamulista lacag dhan 12.5 milyan oo doolar oo ah hantida Soomaaliya.
Qareenkan 47 jirka ah oo lagu magacaabo Jeremy Schulman oo matalayay dowladda Soomaaliya mudadii u dhexeysay 2009-kii illaa 2014-kii wakiilna uga ahaa soo celinta hantida Soomaaliya ee ku maqan caalamka Ayaa qeyb ka mid ah lacagtaas ku qaadanayay qiimaha shaqadiisa iyo kharashka ku baxayay howsha.
Qareenkan oo sameystay warqad been abuur ah oo Sheegeysa inuu wakiil ka yahay Soomaaliya ayuu geystay bangi ceymis ka heysta dowladda federaalka Mareykanka iyo hay’ado kale.
Schulman oo kaashanaya shirkad dhinaca sharciga ka shaqeysa oo uu saami ku leeyahay ayay ugu dambeyn waxaa gacanta u galay maamulka lacag lagu qiyaasay $12.5 milyan oo ahayd lacag Soomaaliya ka xayirneyd.
Qareenka ayaa sidoo kale oo lagu eedeeyay inuu geystay dambiyo kale oo la xiriira musuqmaasuq iyo lacago si sharci darro ah la isu daba mariyay.
Waaxda Caddaaladda Mareykanka soo saartay ayey ku codsatay in cid walba oo dhibbane u ah kiiskaas ay lasoo xiriirto, iyadoo sheegtay in arrintan ay baaritaanno ku sameysay FBI-da Mareykanka.
Eedeysanahan ayaan maxkamad la soo taagi doonin.