YAMOUSSOUKRO:- Madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast, Laurent Gbagbo oo muddo masaafuris dalkiisa uga maqnaa ayaa dib ugu noqonaya dalkiisa hooyo bisha soo socota.
Qoraal uu soo saaray siyaasiga iyo hoggaamiyihii hore ee dalkaas ayu uku sheegay in uu dib ugu noqonayo dalkiisa oo uu muddo dibad joog ka ahaa.
Gbagbo oo ay maxkamadda dambiyada ee ICC ku weysay eedeymo la xariiray in uu dambiyo dagaal ka geystay dalkiisa ayaa haatan ku nool dalka Biljamka.
Ma cadda waxa uu fali doono kaddib marka uu dib ugu noqdo Ivory Coast hase yeeshee waxaa xusid mudan in uu ka mid yahay ragga sida adag u dhaliila siyaasadda madaxweyne Alassen Watara oo dhawaan mar saddexaad loo doortay hoggaaminta dalkaas walow doorashadaasi ay dhalisay muran siyaasadeed aad u kulul.