NEW DELHI:-Ranjitsinh Disale oo ka soo jeeda dalka Hindiya ayaa loo aqoonsaday macallinkii ugu wanaagsanaa ee sandka 2020-ka.
Macallin Disale oo helay abaalmarinta caalamiga ee macallimiinta la siiyo ayaa lagu ammaanay sida uu uga shaqeeyay waxbarashada gabdhaha gaar ahaan tuuladii uu baraha ka ahaa ee Paritewadi ee gobolka Maharshtra ee galbeedka dalka Hindiya.
Disale oo la siiyay lacag dhan hal milyan oo doollar ayaa markii lagu dhawaaqay in uu yahay macallinka sanadka waxaa uu kalabar lacagtii la siiyay uu sii siiyay macallimiintii kale ee soo galay kaalimaha hore.
Guusha Mr Disale ayaa waxaa ku dhawaaqay Stephen Fry oo katirsan hey’adda bixisa abaalmarinta, waxaana natiijada looga dhawaaqay qaab fogaan arag ah sababa la xiriira faafidda cudurka corona.
Tartanka ayaa waxaa ka qeybgalay ilaa iyo 12 kun oo macallimiin ah, kuwaas oo laga soo dhex xulay macallinka reer Hindiya ee guuleystay.
Macallinkan reer Hindiya ayaa waxyaabaha sida gaarka ah loogu soo xushay waxay guddiga abaalmarinta bixiyay ku sheegeen in uu dhexda u xirtay sidii gabdhaha danyarta ah ee aan heysanin waxbarasho ay wax u baran lahaayeen, una heli lahaayeen natiijo wanaagsan halkii laga guursan lahaa iyagoo da’yar.
Dalka Hindiya oo keliya ma ahan meelaha laga dareemay wanaagga macallinka ee sidoo kale wuxuu habka fogaan aragga wax ku baray arday kala joogta 83 wadan oo caalamka, wuxuuna sidookale hoggaamiya mashruuc isku xira da’yarta joogta dalalka ay collaadaha ka jiraan.