Dalweynaha Ruushka oo in mudo ah isha ku hayay xeebaha Geeska Afrika ayaa 11 Nov, 2020 shaaciyay inuu heshiis lagu dhisayo saldhig taakulayn iyo dayactir la galay dalka Sudan, Saldhiga ayaa laga dhisi doona waqooyiga dekeda ku taala ee Port Sudan
Mudada heshiisku waa 25 sanadood, Waxa lagu dari doona hadii loo baahdo toban sano oo kale.Saldhigu wuxu noqon doonaa xarunta saadka ee looga adeego maraakiibta Ruushka ee Badda Cas.
Marka la eego sida heshiiska loo dhigay waxaa muuqata in Sudan laga caawin doono casriyaynta ciidamada iyadoo la horumarin doono cududa difaaca cirka. Saldhiga Ruushku wuxu noqon doonaa goob difaac oo aan duulimaad lagaga qaadin wadamada kale
Dagaalkii Suuriya, wixii ka dambeeyay Ruushku wuxu helay wadadii, uu boos uga heli lahaa qaarada Afrika, Xiisaha Ruushku u qabo qaarada Afrika ma aha oo keliya mid dhaqaale, waxase jira dano siyaasadeed iyo mid istiraatiijiyadeed, Moscow waxay fursad u heshay inay buuxiso meeshii uu baneeyay Maraykanku.
Dadka siyaasada ka faallooda waxa ay sheegeen in Ruushku inta aanu Sudan la gelin heshiiska uu ku guul daraystay gor-gortan uu la waday Eritrea,Jabuuti iyo Somaliland.
Wixii ka dambeeyay burburkii Midowga Sofiyet waxaa muuqatay in Moscow ay dhabarka u jeedisay qaaradda Afrika, balse dabaysha siyaasadu waxay is bedeshay ka dib markii dalalka reer galbeedku ah ay ku soo rogeen cadaadin iyo cuna qabatayn dhaqaale oo ay sababtay arrintii Yukrayn.
Way adag tahay in quwadaha waawayn ee isku dul baacsanaya Afrika, lagu qiimeeyo danta ay u hayaan qaarada Afrika
Dhibaatada ugu weyn ee gobolka Geeska haysata ayaa ah, iska hor-imaadka fikirka taageerista keli-taliska iyo hamiga dimuqraadiyada ee uu gobolku horumar-ka doonaayo.
W/Q, Jamaal Ibrahim Maxamed (Gobonimo)
Hargeysa
[email protected]