Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay Ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk.
Ra’iisul wasaare Xamduuk waxa uu xubin sare ka yahay urur goboleedka IGAD oo ay ku wada jiraan Soomaaliya iyo Kenya oo haatan wajaha khilaaf marba marka ka dambeysa ka sii daraya oo dublumaasiyadeed.
Lama soo bandhigin nooca loo dhigay dacwada ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya, balse wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa twitterkeeda ku baahisay qoraalkii loogu soo jawaab celiyey Soomaaliya, kaas oo tilmaamaya in madaxda IGAD la isugu balamiyey shir todobaad kadib ka furmaya Jabuuti.
“Iyada oo laga jawaabayo warqad ka dhan ah Kenya oo dowladda federaalka Soomaaliya ay u gudbisay H.E. Abdalla Hamdok, ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Sudan ahna shir guddoonka madaxda dowladaha iyo xukuumadaha IGAD, ayaa urur goboleedka IGAD waxuu shir madaxeed arrintaas ku saabsan 20-ka bishan ku qaba doonaa dalka Jabuuti” ayaa lagu yiri qoraalka.
In response to the Federal Government of #Somalia letter against #Kenya, which was submitted to H.E. Abdalla Hamdok, PM of the Republic of #Sudan & the Chair of the #IGAD Assembly of Heads of State and Government, the IGAD will hold a summit in #Djibouti on Dec 20 on this matter.
— Ministry of Foreign Affairs (@MofaSomalia) December 13, 2020
https://platform.twitter.com/widgets.js
Arrintaan waxay ku soo aadeysaa iyadoo maanta uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi safar ku tegay Nairobi, kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Isniinta berri ah ay kulmi doonaan, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.