Waxaa weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo Maanta duhurkii ay ka bilaawdeen dibadbaxyo rabshado wata.
Ciidamada amaanka ayaa rasaas u adeegsaday banaanbaxayaasha , waxaana la sheegay in ilaa Sddex ruux ay ku dhawacmeen rasaasti ay fureen Ciidamada oo ay ku jirto haweeneey kamid ah dadka Magaalada Beledweyne.
Wadada laamiga ah ee dhex-marta Magaalada Beledweyne ayaa xiran, waxaana dhagxaan waaweyn iyo kuwa yaryar ku jaray dadka banaanbaxayaasha ah, iyad aoo mararka qaar la maqlayo rasaas ay ridayaan Ciidamada Ammaanka.
Dadka banaanbaxa dhigaya oo ku sugnaa afaafka hore ee Xarunta Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen Erayo ay kamid yihiin Hir-Shabeelle Dooni meyno iyo kuwo kale,waxana inta baan xiran goobaha Ganacsiga ee Magaalada.
Banaanbaxa rabshadaha watay ee ka dhacay Magaalada Beledwyene ee xarunat gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu daba socday, kadib markii saaka arroortii hore ay Ciidamada ammaanka xireen tiro dad ah oo u ku jiiro Afayeenka jabhadda Janeraal Xuud.