Post View....

Ciidankii Wasiir Janan Oo Tuutaha Kenya Loo Geliyey Sabab Jirta Awgeed

0
64

Ciidamada uu Hogaaminayey Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa Laga saaray Banyooleey Dharka Tuutaha Kenyana loo xiray.

Askartaan Jubbaland katirsanaa ayaa abaabul waday maalmihii dambe si ay uqabsadaan degmada Beled xaawo Ee gobolka Gedo.

Ciidankaan ayaa Ceel waaq iyo Dhoobleey Askar xoojin ah ay ka tegeen kuna biireen,iyadoo maanta laga raray Xeradii Banyooleey ay degganaayeen.

Si Jubbaland uga indho saabato Guddiga Xaqiijo Raadinta IGAD Ee tegaya Aagga Beled xaawo iyo mandheera ayaana sidaas loo sameeyey,waxaana la sheegay in Tuutaha Kenya Loo xiray Askartii Janan hogaaminayey.

Waxay ciidankaan Fadhisiin cusub ka sameysteen Inta udhaxeysa Cumar Jilacoow iyo Hareeri Hoosle Oo 30KM Mandheera ujira,waana Xero KDF-ta Deggan yihiin.

 

About Author