Cabdiladhiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ah guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa ka jawaabay falcelintii qaar ka mid ah culumada Soomaalida ay ka bixiyeen hadal uu jeediyay oo dadka qaar ay u arkeen “mid meel ka dhac ku ah” diinta.
Guddoomiye sanyare oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa ka cudur daartay arrinta loo qabsaday, laakiin dhanka kale wuxuu sheegay in uu dhibsaday qaabka khaladkiisa loogu sheegay.
“Qofka muslimka ah haddii lagu dhaho, ‘khalad baad gashaye toobad keen’ wax dhibaato ah kuma aha, waxay u tahay ammaan, toobadduna waa qeyb ka mid ah ammaanta dadka muslimiinta ah iyo in Alle loo noqdo, cid kasta oo kuu sheegta inaad Alle u tooban celisana waa laga aqbalaa, salaaddaba markii aad ka baxdo waxaa lagu billaabaa astaqfirullah,” ayuu yidhi.
Hadalkiisa ayuu sii watay, wuxuuna sii raaciyay: “Wixii khalad ah oo aniga iga dhacay, oo ku khaldamidda diinta ah ama carrabka wax iga raacay waxaan uga toobad keenayaa Alle sababtoo ah nin muslim ah baan ahay. Sheekha waa nin culimo ah, ixtiraam baana u hayaa, nasiixaduna waxay ku jirtaa in qofka isagoo aan sharaftiisa wax loo dhimin jirkiisana la danqin wax loo sheeko, si uu warkaaga kaaga qaato. Waxaa igu filneyd inuu igu dhaho khalad baa kaa dhacay ee ka laabo, waana aqbalay isaga iyo culimada kalena waan ka maqlay waana cudur daartay.”
Wuxuu guddoomiyaha sheegay in sheekha aan looga baahneyn inuu isaga ku tilmaamo qof aan salaad tukanin. Laakiin BBC-du ma xaqiijinin in Sheekh umal uu guddoomiyaha ku sheegay in salaadda ka taga, marka laga reebo inuu soo xigtay hadalkii ahaa in Sanyare “uusan masaajidka ku tukanin”.
Muxuu yahay hadalka lagu dhibsaday Guddoomiyaha Mudug?

Sababta uusan masjidka ugu tukanin ayuu sharraxay guddoomiyaha: “In aanan masaajidka ku tukanin waa sababta dad badan aysan u aadin oo ah in masaajidka laga baqayo oo aan la gali karin amni darro awgeed.”
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si weyn hadal-heynta baraha bulshada u qabsaday hadal uu Guddoomiye Sanyare 21-kii bishan December ka jeediyay xafladda caleema saarka duqa magaalada Gaalkacyo, kaasoo si aad ah loo dhibsaday.
21-kii bishan Diseembar ka hadlayay xaflad lagu caleema saarayay maayirka magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Dhuux, ayaa sheegay hadal ay dhibsadeen qaar ka mid culimada Soomaalida.
Hadalka gudoomiyaha ee la dhibsaday ayaa u dhignaa sidan: “Ayaan dhaweyd, masaajidbaa nin lagu hordilay, wadaadkii Imaamka ahaa baa la xira, odayaashii oo dhan baa ii yimid, waa la ila soo hadlay wadaadka hala sii daayo, wadaadkii taliyihii qeybtaan wacay waxaan ku iri wadaadka soo daa, baaridna ha gelin.”
Muxuu yiri Sheekh Umal?

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada ugu caansan ee Soomaalida ayaa si kulul uga jawaabay hadalka guddoomiyaha, isagoo sheegay in uu aad uga naxay.
“Hadalka noocaas ah iyo dhiiranaanta noocaas iyo indha-adeyga noocaasi ah oo ruux Muslim ah oo Alle iyo aakhiro rumeysan uu ku hadlayo oo haddana baraha bulshada la soo galiyay oo dadku wada dhageysanayaan waa arrin runtii naxdin leh” ayuu yiri Seekh Umal.
Gudoomiye Sanyare oo horay u soo noqday xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka ee Soomaaliya, ayaa bartamihii sanadkan loo magacaabay xilka uu hayo kaddib markii walaalkii oo xilkaas hayay lagu dilay qarax khasaare badan gaystay oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen Al-Shabaab.
Xigasho:BBCSomali