Post View....

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay wafdi ka socday wasaaradda arrimaha gudaha soomaaliya.

0
73

Dhhusamareeb:-Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo wasiirka u xigeenka wasaaradda Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud.

Wasiirka ku xigeen wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in ujeedka socdaalka uu la xariiro arrimaha doorashada, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in la daadajiyo howlaha doorashada.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Galmudug iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday dowlad goboleedka Galmudug iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleddka Galmudug Cali Daahir Ciid, oo shirka soo xiray ayaa ugu horreyn soo dhoweeyey wafdiga ka socday XFS ee uu hoggaaminaayo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud, waxaana uu sheegay inay muhiim tahay u diyaar garowga doorashada iyo daadajinta maamulka iyo dhismaha golaha deegaanadda ee degmooyinka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa tilmaamay in Galmudug ay dadaal ugu jirtO u diyaar garowga howlaha dorashada, wasaaradaha ku shaqada lehna ay kala shaqaynayaan.

About Author