KAMPALA:-Musharraxa madaxweyne ee dalka Yugaandha Bobi Wine ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil.
Bobi Wine oo u warramayay shabakadda wararka ee CNN waxa uu sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay uu ka badbaaday isku day dil xilli doorashada dalkaas ay dhici doonto bisha soo socota.
Siyaasigan ayaa horay muddo kooban hakad u geliyay ololihiisa doorashada kaddib markii la dhaawacay qaar ka tirsan xubnihii ololaha doorashadiisa sidoo kalena la burburiyay baabuurkiisii.
Waxa uu sheegay in fagaaraha siyaasadda aanay u sinnayn musharraxiinta maadaama ciidamada sugaya ammaanka doorashooyinka ay yihiin kuwa dowladda taabacsan.
Marka uu ololaha samaynayo ayuu sheegay in uu qaarka sare ku labbisto cambuur bireed rasaasta ka celiya maadaama uu halis ugu jiro in la toogto.
Bobi Wine oo horay u ahaa nin heesaa ah oo dalkaas caan ka ah ayaa isu diyaarinaya bisha January ee sanadka soo socda in uu xilka madaxtinnimada dalkaas kula loollamo madaxweynaha muddada 34-ka sano ah ka talinayay dalkaas ee Yuweri Museveni.