Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa waxaa uu goordhow ka dhacay Agagaarka Masaajidka Turkiga ay dhiseen oo ku yaalla wadada u dhaxeysa Isgoyska Fagax & Xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka lagu Aaso, isla markaana lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa AMIOSM oo marayay agagaarka Masjidka Turkiga, kuwaas oo kusii jeeday qeybo kamid ah degmada Hurwaa.
Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa kadib la maqlay rasaas farabadan oo ay ridayeen Ciidamada AMISOM, waxana jira khasaaro ka dhashay qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM.
Wararka kusoo kordha kala socda www.Badweyn.com