Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland oo shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah in uu la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Madaxweyne Muuse Biixi oo Casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Kenya ayaa waxaa la sheegay in Uhuru Kenyatta ay ka wada hadli doonaan Arrimo siyaasadeed & Ganacsi intaba.
Sida lagu qoray bogga Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Kenya Ababu Namwamba oo ah xubin sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay in ay siwyen uga hadli doonaan labada Madaxweyne danaha ay wadaagaan, in kastoo aan la sii faah faahin.
Booqashadaan uu Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku joogo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi & Casuumaadda uu ka helay dowladda dalkaas ayaa waxaa uu kusoo aadeeysaa xilli uu xoogeystay khilaafka diplumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya & Kenya.