Waxaa dhinaca Xeebaha ee Ceel macaan iyo Jazeera ka soo dega Qaadka Kenya oo Dooman lagu keeno, Airporka Adan Cadena Qaadka Ethiopia. ( F.S: 1, 2 & 3aad).
Qaadka ka soo dego Xeebaha waxaa Suuqa keeno Ciidamo hubeeysan, Ciidan kale ayaa isku dayo Maalin kasta in ey wadada u galaan si ey u dhacaan, laakin kuma guuleeystaan inkasta oo xaafadaha dhaxdooda ey mar mar ku dagaalaan. sida waddada dhinac marto Guriga aan deganahay.
Haddii Ciidamadaa daabulka Qaadka laga joojin waayay, ayaa la bilaabay In Haweenka Suuqa ku iibinayo ama Dadka ka gadanayo Qaadka Kenya laga qaato, kan Ethiopiana la dhaafo.
Weli ma jiro Qodob Sharci ah oo si gaar ah Maxkamad lagu hor keeni karo Ganacsadaha, Qodobkaa oo leh: Qaadka Kenya waa xaaraan kan Ethiopiana waa xalaal, welina ma heyno Culumadii Caanka aheyd ee ku iftoo leheyd In Labada Qaad midna xaaraan yahay midna xalaal yahay.
Ganacsatada Qaadka ka soo dhoofiso Ethiopia, inksata oo labada Badeecaba, Dollar lagu kala bedesho Qiima ahaan, Haddana Badeecada Runtaa ee Ethiopia nalooga keeno waa Qaad, Annaguna isla Dayaardaha waxaan ku dhoofinaa Kaluun Fareesh ah oo bedeeco ahaan bedel u ah.( F.S: 4 & 5aad).
Dhinac Kaluumeeysatada Faa’iidu ayaa ugu jirto, oo Malaaygii ayaa u gadmay, dhinaca kale Maalmahaan Sicirkii Kaluunka ee Magaaladu xoogaa ayuu sare ugu kacay Danyartii quudan jirtay.
Annigu Qof ahaan, Weligeey Qaad ma Cunnin ,Xattaa ma dhadhamin. waxaan Masuuliyiinta Amaanka ka codsanayaa in nalaga joojiyo Dagaalka Qaadleeyda ee Xaafadaha dhaxdooda ku soo fidayo, iyo in la tixgaliyo, Haweenka Masaakiintaa ee Shaqa la’aantu ku qasabtay in ey Qaadka ka raadiyaan Biilka Caruurtooda oo u badan Agoon.
Labada Qaadba ma fiicnee maa nalaga wada joojiyo.
FG: Muqayiliintu ha iga Raali ahaadeen, wixii aan ka khalday qoraalka ha iga saxeen.
Qore: Yahya Amir