MANDHEERA:-Wararka ka imanaya Ismaamulka Mandheeera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa sheegayaa in uu halkaasi gaaray ayax farabdan kaas oo xaalufin ku haya dhirta iyo daaqa deegaannadaas.
Dhawaan Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Kenya uu ku wajahanyahay ayax duullaan ah oo markii labaad toddobaad gudihiis ah dalkaas ku dega.
Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Adduunka ee FAO ayaa qoraal ay maalmo ka hor soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in ayax aad u fara badan oo ka hayaamay Soomaaliya iyo Itoobiya uu ku wajahanyahay beeraha Kenya.
Hay’adda ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in ayaxan uu toddobaadkan mar labaad waxyeelleyn karo wax soo saarka beeraha Kenya.
Xafiiska ka faallooda arrimaha cayayaanka ee Kenya ayaa isaguna sheegay in Kenya ay tan iyo bishii Diseembar 2019 ay daalaa dhacaysay waxyeellada ayaxa u uku hayo dalaggeeda.
Xafiiska ayaa sheegay in ayaxa oo ugxan badan dhigay dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya uu duullaan ku soo yahay Kenya.
Dhibaatada ayaxa ayuu xafiisku sheegay in ay sii jiri doonta inta laga gaarayo bisha January ee sanadka soo socda.
Ayaxan ayaa niyad jab weyn ku beeray beeralayda gobolka Bariga Afrika, maadaama maalintii uu jarayo masaafo/fogaan dhan 150 km dhaawac laxaad lehna uu u horseeday wax soo saarka dalagga beeraha ee gobolka.