Warar lagu kalsonaan karo aan ka helnay ilo u dhow dhow musharixiinta utaagan xilka madaweyninimo ee dalka soomaaliya kuwaasi oo maalmahan shirar oga socday mid kamid ah hotelada magaalada Muqdisho.
Musharixiinta ayaa lasheegay in shaki weyn ka qabaan Xasan Cali Kheyre in weli oo katirsanyahay kooxdii nabad iyo nolol oo mar kamid ahaa shaqsiyaadka ugu saameynta badan.
Musharixiinta ayaa ka walaacsan in Kheyre oo ciyaraayo kaarto siyaasadeed asagoo ah musharaxa labaad ee nabad iyo nolol oga qeyb galaayo doorashada lafilaayo in soomaaliya kadhacdo sanadka soo socdo.
Ilaha aan ka helnay xogta ayaa sheegay in Kheyre marnaba dhaleeceen saaxiibadiisa hore ame weerar afka kuqaadin wallow si dhab ah oga hadlin xaalada dalka iyo hogaanka dalka.
Xogta ayaa raacineyso in shaki weyn ka qabaan in Kheyre oo yahay musharaxa labaad ee wadato dowlada Qatar oo wakiil u ah Fahad Yaasiin kasoo xooga saraayo in dib kursiga ugu sareeyo dalka ula waregaan.
Isku soo wada duub Kheyre ayaa hore oga tirsanaa saxiibada Xasan Sheekh Maxamuud asagoo xiligii doorashada u olaleynaaye kooxda Damul Jadiid balse mar qura isku badalay kooxda Nabad iyo Nolol.